Muuqaal-Sawirro: Shirka wadtashiga dowladda Puntland & Xildhibaanada puntland ku metela labada aqal ee BJFS goaamada kasoo baxay

1a1a22

02 Mars 2026 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa Shir guddoomiyey Shirka Wadatashiga Dowladda Puntland iyo Mudanayaasha Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Dowladda Puntland Garowe, qaar ka mid ah mudaneyaasha ayaa shirka uga soo qayb galay habka fogaan aragga ah.

Shirka wadatashiga ayaa Dowladda Puntland iyo Mudaneyaasha ku metela Puntland Dowladda Federaalka ah waxay iyaga oo isku duuban u soo saareen mowqifka Puntland ay uga soo horjeeddo wax ka bedelka aan sharciga ahayn ee aan heshiiska lagu ahayn ee Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ku bedelayo Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka.

Dowladda Puntland waxay aqoonsantahay Dastuurka KGM ah ee heshiiska lagu yahay ee 2012, wax kasta oo laga bedelo oo aan heshiis lagu aheyna waa waxba kama jiraan, Puntland qeyb kama aha, meel uu ka shaqayn doonana majirto.

About The Author