Sawirro: Madaxweyne Axmed Madaoobe oo shir guddoomiyay kulan wadajir ah oo ay yeesheen Xildhibaanada Labada Aqal ee BBFS ku matala Jubaland dawladda Jubaland
03 Mars 2026 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir guddoomiyay kulan wadajir ah oo ay yeesheen Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland iyo Golaha Xukuumadda Jubaland, kaas oo si qoto dheer loogu lafaguray xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo geeddi-socodka halka dhinac ah ee wax looga beddelayo Dastuurkii heshiiska lagu ahaa.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-tashiga, midnimada mowqifka Jubaland, iyo ilaalinta heshiisyadii iyo habraacyadii saldhigga u ahaa wax ka badalka Dastuurka Kumeelgaarka ah, iyada oo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in wax ka beddel kasta uu ku yimaado is-afgarad iyo wadatashi buuxa oo loo dhan yahay.









