Xildhibaanada labada Aqal ee ku matala Jubaland BJFS oo shaaciyay mowqifkooda ku aadan Dastuurka dib u eegistiisa

1a1a6-2

03 Mars 2026 (Puntlandes.com) Xildhibaanada labada Aqal ee ku matala Jubaland Baarlamaanka Fadaraalkaayaa shaaciyay mowqifkooda ku aadan Dastuurka dib u eegistiisa.

Ku dhawaad 40 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka ayaa ku dhawaaqay in ay qaadeceen dhammaystirka Dastuurka JFS oo berri la meelmarinayo; iyaga oo ku celiyey in uu Jubbaland Dastuur u yahay Dastuurkii 2012.

Diidmadaan ayaa ka dhigan in 51kii xildhibaan ee Jubaland uu madaxweyne Xasan ka haysto keliya 12 Xildhibaan.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa iyana berri ku dhawaaqaysa in ay bilaabayso doorashooyinka fededaalka, haddii aan ka hor bisha Maay la gaadhin heshiis-doorasho.

About The Author