Muuqaal: Hadaljeedintii Xildhibaanada Puntland ku metela labada Aqal ee BFS & kuwa Baarlamaanka Puntland oo si adag uga hadlay Dastuurka MD Xasan Sheekh
08 Mars 2026 (Puntlandes.com) Hadaljeedintii Xildhibaanada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka JFS iyo Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo kulan afur ah iyo is-xogwaraysi ku saabsan xaaladda dalka ku kulmay ayaa ka hadlay Dastuurkii dalka ee uu madaxweyne Xasan Sheekh bedeshay.
Kulanka waxaa ka soo qayb galay xubnaha Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo mudanayaasha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland waxaana kulanka uu ahaa mid lagu xoojinayo wada shaqaynta, wadatashiga iyo isfahamka u dhexeeya hay’adaha sharci-dejinta, si loo mideeyo mowqifyada la xiriira arrimaha muhiimka u ah Puntland iyo guud ahaan dalka.



















