Sawirro: Guddiga Gurmadka Abaaraha Puntland oo la wareegey deeq lacageed oo dhan $150,000 & lacago kale
14 Mars 2026 (Puntlandes.com) Guddiga Gurmadka Abaaraha Puntland, ayaa la wareegey deeq lacageed oodhan $150,000 (Boqol iyo Konton kun oo dollar).
Gudiga gurmadka abaaraha Puntland ayaa u mahadceliyey Shirkadda Golis Group oo 150,000 Dollar ku wareejiyey gudiga sidoo kale waxaa guddiga soo gaaray lacago kale.
Shirkadda Golis Group ayaa noqonaysa Shirkadii kowaad oo bixisa lacagta ugu badan marka laga reebo dawladda Puntland oo bixisay 220,000$.







