Maxkamadda Gobolka Banaadir oo amartay in Xabsiga laga sii daayo Bajaajleeydii ay DFS xirtay

1a1a6

14 Mars 2026 (Puntlandes.com) Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa amartay in Xabsiga laga sii daayo Bajaajleeydii ay xirtay dawladda federaalku, kuwaas oo ahaa 4.

“Maxkamadda Gobolka Banaadir oo saakay nala geeyey ayaa amartay in Xabsiga nalaka sii daayo maadaama wax dambi ah nalaku waayey” Bajaajle Saan-miyaa oo ka mid ah Bajaajleey u xirnaa Booliska Soomaaliya.

“Banaanbaxeennu mid nabadeed ayuu ahaa laakiin Booliska ayaa u baddalay mid Xabadeed,Maxkamadda ayaana sharci nagusoo deysay oo cidna nama damiinan” Sacdiyo Bajaaj

About The Author