IGAD oo ku baaqday in khilaafka u dhexeeya DFS & dowlad goboleedyada lagu xalin karo wada-hadal & Hanaan qaran oo loo dhan yahay

1a1b1-12

29 Mars 2026 (Puntlandes.com) Ururka Gobaleedka IGAD ayaa sheegay inuu si dhow ula socdaan xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed, iyagoo ugu baaqay dhammaan Xassan Sheikh iyo Laftagareen inay muujiyaan is-xakameyn kana fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta dagaal.

IGAD waxay caddeysay in khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada lagu xallin karo oo keliya wada-hadal iyo Hanaan qaran oo loo dhan yahay, iyadoo sidoo kale xaqiijisay taageeradeeda ku aaddan nabadda, xasilloonida iyo midnimada Soomaaliya.

About The Author