KG “waxaa jira cadeymo muujinaya isku milanka Ashabaab & DFS oo ay kamid yihiin Saraakiil & agab Ciidan oo lasoo dhex marsiiyey deegaano ay Maamulaan Ashabaab”
29 Mars 2026 (Puntlandes.com) Dawladda Koonfur Galbeed ayaa jawaab adag ka bixisay eedeentii ay u jeedisay DFS “Waxaan walaac xooggan ka muujinaynaa heshiisyo hoose iyo wadashaqeyn qarsoodi ah oo ka dhaxeeya kooxda Ashabaab iyo Dawladda Federaalka gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa, KG waxay arrintaas u aragtaa mid khatar ku ah amnigeeda”
“waxaa jira cadeymo muujinaya isku milanka Ashabaab iyo Dowladda Federaalka oo ay kamid yihiin Saraakiil iyo agab Ciidan oo lasoo dhex marsiiyey deegaano ay Maamulaan Ashabaab”
