Wasiirkii Maaliyada KG oo noqonday Kusimaha madaxweynaha Koonfur Galbeed

1a1a4-10

30 Mars 2026 (Puntlandes.com) Wasiirkii Maaliyada ee Koonfur Galbeed ayaa noqonday Kusimaha madaxweynaha Koonfur Galbeed kadib markii ay isku raaceen dowladda Faderaalka iyo Madaxweynaha xilka baneeyey ee KG Cabdicasiis Laftagareen.

Cabdicasiis Laftagareen oo uu wehliyo Gudoomiyihii lala doortay Cali Fiqi iyo xubno katirsan howlwadeenadiisii ayaa ka duulay Baydhabo, iyagoo tagaya mid kamid ah caasumadaha deriska.

About The Author