Liiska magacyada Wasiir Ku-xigeennada & Wasiiru Dowleyaasha la magacaabay
31 Mars 2026 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.001 kuna saabsan magacaabista xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.
Liiska magacyada Wasiir Ku-xigeennada & Wasiiru Dowleyaasha la magacaabay:
Wasiir Ku-xigeennada:
1. Axmed Maxamuud Axmed Qaxiye: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta .
2. Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.
3. Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta .
4. Axmed Yaasiin Saalax: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
5. Maxamed Xasan Ibraahim: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta , Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah .
6. Musadaq Maxamed Musadaq: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada.
7. Maryan Cismaan Axmed (Fangase): Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka.
8. Eng. Maxamed Cali Ismaaciil: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha.
9. Bille Maxamuud Axmed Qabowsade: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta .
10. Cabdirashiid Cabdiraaq Cabdi: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
11. Xasan Jaamac Ismaaciil: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa.
12. Cabdiraxmaan Khaliif Faarax: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha .
13. Maxamed Siciid Saalax: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.
14. Axmed Siciid Qoloombi: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
15. Riyaad Axmed Cali: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka.
16. Maxamuud Maxamed Daad: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska.
Wasiiru Dowleyaasha:
1. Cabdifataax Maxamed Cabdinuur: Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee arrimaha Gobolka iyo Federaaleynta.
2. Faarax Maxamuud Aw-cismaan: Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee arrimaha Qurbojoogta iyo Dib-u-dejinta.
3. Cabdiraxmaan Maxamuud Cismaan: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta .
4. Maxamed Maxamuud Cismaan (Arbac): Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda
5. Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta , Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah.
6. Cali Maxamed Cismaan: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka .
7. Eng Maxamed Ciise Lacle: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada .
8. Cabdiqani Axmed Ismaaciil Deero-dile: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda .
9. Maxamed Cabdikaafi Maxamed: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa .
10. Siciid Maxamed Awaare: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
11. Amb Maxamed Axmed Cawil: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta , Macdanta iyo Biyaha .
12. Najiib Barkhad Warsame: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
13. Mukhtaar Axmed Odey: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada .
14. Axmed Ibraahim Cawaale (Biid): Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga , Warshadaha iyo Maalgashiga .