Madaxweyne Cirro oo Xildhibaan Barkhad Batuun u magacaabay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Wacyigelinta ee Somaliland
05 April 2026 (Puntlandes.com) Madaxweyne Cirro ayaa Xildhibaan Barkhad Batuun u magacaabay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Wacyigelinta ee Somaliland.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa Aadan Geeddi Qayaad u magacaabay wasiirka Houmarintaa Beeraha Somaliland, Maxamed Cabdimaalik wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland iyo Cabdisalaan Xuseen Cawaale wasiirka Isgaarsiinta Somaliland.
Barkhad Batuun ayaa hayb ahaan wuxuu kasoo jeedaa beesha Gabooye taas oo aan ka heli jirin Somaliland wasiir buuxa madaxweyne Cirro ka hor.
Wasiir Barkhad Batuun ayaa Wasaaradda Warfaafinta Somaliland madaxweynuhu ugu daray xilka Afhayeenka Xukuumadda Somaliland.