Sawirro: Wasiirkii hore ee Xannaanada Xoolaha Puntland Cumar Cabdisamad Dhuux oo xilka wasaaradda wareejiyey

1a1a1-4

06 April 2026 (Puntlandes.com) Waxaa si rasmi ah uga qabsoontay xarunta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Daaqa Dowladda Puntland munaasabadda xil-wareejinta masuuliyiinta cusub iyo kuwii hore ee wasaaradda.

Munaasabaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa xilalka si rasmi ah isaga kala wareegay:

• Wasiirkii hore ee Wasaaradda, Mudane Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux, ayaa xilka ku wareejiyey Wasiirka cusub, Mudane Siciid Jaamac Cali Qoorsheel.

• Sidoo kale Wasiir Ku-xigeenkii hore, Dr. Axmed Cartan Maxamed, ayaa xilka si rasmi ah ugu wareejiyey Wasiir Ku-xigeenka cusub, Mudane Xasan Jaamac Ismaaciil.

• Wasiir Dowlaha hore, Mudane Cabdinasir Aadan Axmed, ayaa isna xilka ku wareejiyey Wasiir Dowlaha cusub, Mudane Hon. Maxamed Cabdi Kaafi Maxamed.

Xafladda xil-wareejinta oo ay qayb ka ahayeen Guddiga xilwareejinta Masuuliyiinta Dowladda ee magacaban iyo Xunbo ka mid ah Golaha Baarlamaanka DPL ayaa ahayd mid muujinaysay hannaanka dowladnimo, isla xisaabtan iyo kala dambeyn shaqo, iyadoo masuuliyiintii hore ay soo bandhigeen warbixin kooban oo la xiriirta shaqadii u qabsoontay muddadii ay hayeen xilalka.

Masuuliyiinta cusub ee la wareegay xilalka ayaa dhankooda ballanqaaday in ay sii xoojin doonaan horumarinta adeegyada xannaanada xoolaha, kobcinta caafimaadka xoolaha, ilaalinta daaqa iyo taageeridda dhaqaalaha ku tiirsan xoolaha, maadaama xooluhu laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha Puntland.

Ugu dambayn, munaasabaddan ayaa ku soo dhammaatay jawi wanaagsan, iyadoo la isugu hambalyeeyey masuuliyiinta cusub xilalka loo igmaday, lana bogaadiyey dadaalkii iyo shaqadii ay soo qabteen masuuliyiintii hore.

About The Author