Xasan Sheekh oo ku amaray saraakiisha hogaamisa ciidamada DFS ka Mushahaar qaata ee kusugan Puntland iney si deg deg ah usoo galaan Muqdisho

1a1a8

07 April 2026 (Puntlandes.com) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa ku amaray saraakiisha hogaamisa ciidamada DFS ka Mushahaar qaata ee kusugan Puntland iney si deg deg ah usoo galaan Muqdisho.

Ciidamada ugu badan ee ka mushahar qaata DFS waxay joogaan Gobolada Mudug, Bari iyo Nugaal waxayna ka madax banaan yihiin dowladda Puntland, iyagoo mushahaarka uu siinayey Xasan Sheekh muddo 1 sano.

Talaabadaan ayaa waxay kusoo aadaysa xili dhowaan la filayo in Garowe uu ka dhaco shirwaynaha golaha Mustaqnalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka Somalia oo la filayo iney dhacdo bartamaha ilaa dhamaadka bishaan.

About The Author