Baydhabo: Wasiirka Dekedaha DFS oo noqonaya xildhibaan Golaha Shacabka oo mudo xileedkiisa ka hartay 7 cisho!!!
07 April 2026 (Puntlandes.com) Golaha Shacabka kaas oo mudo xileedkiisa ay ka hartay 7 cisho oo kaliya, iwasiirka ayaa saaxiib dhow la ah Maxadweyne Xasan Sheekh
Xildhibaankii ku fadhiyey kursigaasi Xildhibaan Isaaq Cali Subagle ayaa si cad maanta u sheegay in kursigigiisii la boobay isagoo nool oo golaha baarlamaanka ka tirsan.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS, Sh.Aadan Madoobe ayuumadaxweyne xasan Sheekh waxa uu u riixayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, hyalka uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka u wado Wasiir Jaamac oo hadda xoogay kursiga beeshiisa.
Maxadweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu dooneyaa inuu sannad kale sii joogto xilka sida uu qabo Dastuurkii uu samaystay, mucaaridkuse waxay leeyihiin, Bisha Maajo waa in ay baxdaa, balse Villa-Somalia waxay wadataa howleheeda lamana kulmayso mucaarid xoog leh.
Hadaba maxay yihiin su’aalaha la isweydiinayaa:
1-Hortan kursigaani ma yahay mid banaan oo buuxin u baahan.
2-Gudigan Doorashooyinka ee maanta qabtay doorashadaan shaqadooda sow maysan ahayn doorasho qof iyo cod ah.
3-Haddii daqiiqado kooban ay doorasho boobsiis ah oo hal kursi ah, ku qabteen gudiga doorashooyinka, side loogu aamini karaa doorasho qof iyo cod ah.
4-Baarlamaanka uu ninkan soogalayo sow waqtigooda kuma eka 14-ka Bishan
5-Maadaama dastuurka Xasan Sheekh uu dhigayo in qofka uusan isku hayn Karin xildhibaanimo iyo wasiirnimo, maxuu samayn doonaa Cabdikhaadir.