Dr Gaa oo khudbad muhiim ah oo ku saabsan “Regional Ownership in Mediation: the Horn of Africa” ka jeediyey shirka caalamiga ah ee Antalya Diplomacy Forum 2026
18 April 2026 (Puntlandes.com) Turkey Antalya; Raisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, isla markaana ahaa Madaxweynihii 5aad ee Puntland, hadana ah Ergayga African Union ee Wadanka Koonfurta Sudan Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa khudbad muhiim ah oo ku saabsan “Regional Ownership in Mediation: the Horn of Africa” ka jeediyey shirka caalamiga ah ee Antalya Diplomacy Forum 2026.
Khudbaddiisa ayuu diiradda ku saaray muhiimadda ay leedahay xalinta khilaafaadka iyo geeddi-socodka nabadaynta ee Geeska Afrika ay hoggaamiyaan wadamada gobolka laftooda, si loo gaaro xalal waara oo ku dhisan faham gudaha ah iyo iskaashi dhab ah. Wuxuu xusay in doorka hoggaamineed ee dalalka Gobolku uu yahay mid lagama maarmaan u ah xasilloonida siyaasadeed iyo horumarinta nabadda.
Shirkan Antalya Diplomacy Forum waa madal caalami ah oo ay isugu yimaadaan madax, siyaasiin, iyo khubaro si ay uga wada hadlaan arrimaha muhiimka ah ee siyaasadda, amniga, iyo diblomaasiyadda caalamka.