Madaxweynaha Dowladda Puntland oo sameeyey magacaabis iyo xilka qaadista

1a1a2

18 April 2026 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda sameeyey magacaabis iyo xilka qaadista.

Hoos ka akhriso Xeer madaxweyne:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.11 iyo Lr. 12 oo ku saabsan Taliye-ku-xigeenka 2-aad Ciidanka Booliska, Taliyeyaasha Qeybaha Ciidanka Booliska iyo Hoggaamada Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland, Qodobkiisa 80-aad, Farqadiisa 19- aad.

Markuu Arkay: Baahida loo qabo dhismaha iyo horumarinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus, si loo dardargeliyo nidaamka garsoorka ciidanka.

Markuu Arkay: Aqoonta, kartida iyo waayo-aragnimada ciidanimo ee saraakiisha loo xushay xilalkan.

Markuu Tixgeliyey: Muhiimadda ay leedahay xoojinta caddaaladda iyo ilaalinta nidaamka qaanuuniga ah ee Ciidamada Qalabka Sida.

Markuu la Tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. S/Guuto Cabdulqaadir Jaamac Dirir Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland

2. G/Sare Yuusuf Axmed Ciise Taliyaha Kuliyada Tababarka Booliska ee Carmo.

3. G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada (CID) Dowladda Puntland

4. G/le Samiiro Cabdullaahi Maxamed Taliye Ku-xigeenka Hoggaanka Dambiyada (CID) Dowladda Puntland

5. G/Sare Faarax Nuur Maxamed Taliyaha Hoggaanka Kormeerka Ciidanka Booliska Dowladda Puntland

6. G/le Cabdirisaaq Axmed Jaamac Taliye Ku-xigeenka Hoggaanka Kormeerka Ciidanka Booliska Dowladda Puntland

7. G/Sare Sekeriye Cabdiraxmaan Maxamed Taliyaha Hoggaanka Tababarada iyo Qorshaynta Ciidanka Booliska Dowladda Puntland

8. G/Sare Cabdirisaaq Ismaaciil Xasan (Darwiish) Taliyaha Hoggaanka Hawlaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland

9. G/Dhexe Faadumo Cabdulqaadir Cali Taliyaha Hoggaanka Ilaalinta Deegaanka Ciidanka Booliska Dowladda Puntland

10. G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Bulshada Dowladda Puntland

11. G/le Cabdikhadar Maxamuud Axmed Taliye Ku-xigeenka Hogaanka Xiriirka Bulshda Dowladda Puntland

Qodobka 2-aad

(Magacaabid Taliyayaasha Qaybaha)

1. G/Sare Maxamuud Muuse Bille Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug

2. G/le Ayuub Siciid Cali (Dheeg) Taliye Ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Mudug

3. G/sare Fu’aad Maxamuud Xuseen Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal

4. G/Dhexe Ayax Jamaal Axmed Taliye Ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Nugaal

5. G/Sare Siciid Aadan Siciid Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari

6. G/dhexe Maxamed Bashiir Ismaaciil Taliye Ku-xigeenka Qaybta Ciidanka Booliska Gobolka Bari

7. G/Sare Bashiir Maxamed Maxamuud Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar

8. G/le Xudayfi Xuseen Cismaan Taliye Ku-xigeenka Qaybta Ciidanka Booliska Gobolka Karkaar

9. G/Sare Siciid Ducaale Faarax Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Haylaan

10. G/sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati) Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sanaag

11. G/le Siciid Faarax Ibraahin Taliye Ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Sanaag

12. G/Sare Maxamuud Maxamed Cabdulle (Shoox) Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Raas Casayr

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, waana saxiixay.

-DHAMMAAD-

About The Author