Madaxweynaha Dowladda Puntland oo sameeyey dhismaha Maxkamadda Sarre iyo Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus
18 April 2026 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland oo sameeyey dhismaha Maxkamadda Sarre iyo Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus
Hoos ka akhsi Xeer madaxweynaha:
Garoowe : 18 April 2026 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.008 kuna saabsan dhismaha Maxkamadda Sarre iyo Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland, Qodobkiisa 80-aad, Farqadiisa 19- aad.
Markuu Arkay: Baahida loo qabo dhismaha iyo horumarinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus, si loo dardargeliyo nidaamka garsoorka ciidanka.
Markuu Arkay: Aqoonta, kartida iyo waayo-aragnimada ciidanimo ee saraakiisha loo xushay xilalkan.
Markuu Tixgeliyey: Muhiimadda ay leedahay xoojinta caddaaladda iyo ilaalinta nidaamka qaanuuniga ah ee Ciidamada Qalabka Sida.
Markuu la Tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
Qodobka 1-aad
(Dhismaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada)
Waxaa xubnaha hoos ku xusan loo magacaabay Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus
1. G/Sare Maxamuud Cabdiqaadir Xasan Guddomiyaha Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland.
2. G/Sare Maxamed Faarax Maxamed Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
3. Dhamme Abshir Cabdi Jaamac Garsoore Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
4. Dhamme Cabdiqafaar Cabdirashiid Maxamuud Garsoore Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
5. Dhamme Maxamed Siciid Cali (Oday) Garsoore Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
6. Dhamme Cabdiqani Daahir Jaamac Garsoore Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
7. G/le Jaamac Xirsi Faarax Xeerilaaliyaha Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
8. L/X/le Maxamed Axmed Maxamed Kaaliye Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
Qodobka 2-aad
(Dhismaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada)
Waxaa xubnaha hoos ku xusan loo magacaabay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
1. G/Dhexe Cabdixakiin Maxamed Siciid Guddomiyaha Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Debiyada Culus ee Dowladda Puntland
2. G/le Jaaamc Siciid Maxamed Garsoore Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
3. Dhamme Cabdifataax Cabdi Daahir Garsoore Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
4. Dhamme Maxamed Cabdiraxmaan Yuusuf Garsoore Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
5. Dhamme Cabdirisaaq Siciid Cumar Garsoore Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
6. G/Dhexe Maxamed Xuseen Axmed Xeerilaaliyaha Maxkamada Darajada 1-aad d ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
7. L/X/le Faadumo Cabdulaahi Yuusuf Kaaliye Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
8. L/X/le Mukhtaar Cali Xuseen Kaaliye Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
* Xeerkani wuxuu dhaqan geliya markuu Madaxwaynuhu Saxiixo, Wuuna saxiixay.
-DHAMMAAD-