Madaxweyne Deni oo magacaabay wasiiru dowlaha wasaarada Amniga iyo wasiiru dowlaha wasaarada Gargaarka

1a1b1

18 April 2026 (Puntlandes.com) Madaxweyne Deni ayaa magacaabay wasiiru dowlaha wasaarada Amniga iyo wasiiru dowlaha wasaarada Gargaarka.

Puntland ayaa markii u horreysey Wasaaraddeeda Amniga ku dartay Qayb Difaac, iyada oo xilkaasi loo magacaabay Gen Fu’aad Xanaano oo ah sarkaal sare oo caan ku ah Difaaca Puntland.

Hoos ka akhriso Xeerka madaxweyne:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 13 ee 18-ka April 2026 kuna saabsan Magacaabid Wasiir Dowlayaal ka tirsan Golaha Xukuumada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu la tashaday: Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey: –

1. Waxaa Axmed Bashiir Muuse loo magacaabay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka

2. Waxaa Fu’aad Warsame Maxamed (Xanaano) loo magacaabay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta ee Dhinaca Difaaca

* Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

About The Author