Dowladda Federaalka “Mashruuca Bulsho wuu ka horreeyey Woqooyi Bari…”
28 April 2026 (Puntlandes.com) Dowladda Federaalka ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheeegtay in Mashruuca Bulsho ay uga reebtay WB maadaama uu ka horreeyey dhismahii maamulka Woqooyi Bari, warkaan ayey DFS rabtaa inay ku dajiyo beentii ay u sheegtay WB oo iminka banaanka timid.
Dowladda Federaalka ma bixin dhaqaalaha ku baxaya Mashruuca Bulsho ee waxaa bixiyey bangiga Aduunka waana iyadii WB ku eedaynaysa UN-ka inaysan aqoonsanayn.
