DFS oo daahfurtay Mashruuca kale laga hirgelinayo Puntland, Jubaland, KG, Galmudug, Hirshabeelle & Banaadir
28 April 2026 (Puntlandes.com) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa daahfurtay Mashruuca kale oo laga reebay maamulka WB, kaas oo ah Barnaamijka Wadajirka ah ee Nabadda & Ilaalinta Haweenka, Wajigiisa II (WPP-II).
Mashruucaan ayaa waxaa ka faaiidaysanaya oo loogu talogalay Puntland, Jubaland, Koonfurgalbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo gobolka Banaadir.
Mar kale, waxa mashruucan laga reebey maamulka Woqooyi Bari, waxaana mashruuca oo taageeraya oo maalgelinaya UNDP.