Agaasimihii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada DFS ”in mashaariicda DFS laga reebo gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn waa khiyaamo Qaran oo ay ku kacday dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh”

1a1a7

28 April 2026 (Puntlandes.com) Agaasimihii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada Soomaaliya Jamaal Shiil oo qoraal dhigay bartiisa X ayaa sheegay in mashaariicda federaalka laga reebo gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay tahay khiyaamo Qaran oo ay ku kacday dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.

Maamulka Xasan Sheekh ayuu ku eedeeyey  inay go’doon iyo cunaqabatayn ku soo rogeen dadka SSC oo uu ku sheegay inay dhiig iyo dhaqaalaba u hureen midnimada Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa is waydiiyey doorka RW Xamse isagoo sheegay inuu si shaqsi ah u balan qaaday inuu ka fulin doono mashaariicda horumarineeed.

Agaasimihii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada Soomaaliya “In mashaariicda federaalka laga reebo gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn waa khiyaamo qaran oo ay ku kacday dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud; waxay go’doon iyo cunaqabatayn ku soo rogeen dadkayagii u huray dhiig iyo dhaqaalaba midnimada Soomaaliya…..Mee ballan-qaadkii Ra’iisul Wasaare Xamze? Isagaa sheegay in deegaannadani aysan ahayn dhul lagu muransan yahay, isla markaana ay yihiin maamul buuxa. Ma wuxuu bartay ballan-ka-baxa sidii saaxiibkiisa ka sarreeya (HSM)?

About The Author