Dr Faarax Maxamed Cabdi oo maanta xoriyadiisii dib u helay
03 May 2026 (Puntlandes.com) Dr Faarax Maxamed Cabdi oo ka tirsan Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn isla markaasna laba todobaad afduubnaa ayaa maanta lagu siiyey xoriyadiisa magaalada Bursaalax .
Odayaasha beesha oo dadaal badan sameeyay ayaa goor dhaw kala soo wareegay maleeshiyaadkii haystay, waxaana ku wajahan magaalada Bursaalax Mas’uuliyiinta dowladda si ay ula wareegaan.
Dhakhaatiirta gobolka Mudug oo uu ka tirsanaa oo ku farxay sii dayntiisa ayaa bilaabay inay isu diraan fariimo hambalyo, iyagoo isu diyaarinaya inay soo dhaweeyaan.
Dr Faarax oo 13 cisho u afduubnaa malayshiyo ayaa iminka Hotelka uu ka degen yahay Bursaalax kula jooga dhakhaatiirta ku sugan degmada Bursaalax, naxaa la filayaa in loo qabto munaasabad balaaran oo isugu jirta soo dhaweyn iyo xaalmarin dhibkii loo gaystay.