Kheyre “Waxaan si adag ucambaareynayaa afduubka uu taliska Madaxweyne Xasan Sheekh ugaystay wariyaasha kala ah Shukri Caabi Cabdi, Jacfar Maxamed Jimcaale, Cabdullaahi Cabdifitaax Siidoow & Nuur Xasan Cali”
06 May 2026 (Puntlandes.com) Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal ku bogaadiyey ku cambaareeyey waxa uu ugu yeeray afduubka taliska Xasan Sheekh, isadoo maamulka xasan ay xireen 4 wariye oo ku gudajiray tabinta shacab guryahoodii laga burburinayo.
Hoos ka akhriso qoraalka RW Kheyre:
Waxaan si adag u cambaareynayaa afduubka uu taliska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u gaystay wariyaasha kala ah Shukri Caabi Cabdi, Jacfar Maxamed Jimcaale, Cabdullaahi Cabdifitaax Siidoow iyo Nuur Xasan Cali oo ka hawlagala Telefishannada Shabeelle iyo Kalsan, kuwaas oo la xiray iyagoo maanta tabinaya barakicinta iyo dhulboobka ay dowladdu ka waddo degmooyinka Xamarjajab iyo Deyniile.
Waxaa ayaandarro ah in taliska arxanka daran ee Madaxweye Xasan Sheekh uu u sii xuubsiibanayo burcadnimo iyo kalitalisnimo, kuna hawllan yahay barakicinta dadka danyarta ah, boobka dhulka shacabka iyo danta guud, gumaadka dadweynaha, xarigga saxaafadda, iyo afduubka dhallinyarada Soomaaliyeed.
Waxaa nasiibdarro ah in taliska uu gabbalkiisu sii dhacayo ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku jira maalmihiisii ugu dambeeyay uu ku mashquulsan yahay xaalufinta dalka, barakicinta dadka, iyo boobka hantida qaranka. Waxaan indheergaradka bulshada iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in loo diyaargaroobo sidii dalka iyo dadka looga badbaadin lahaa taliskan arxanka daran oo caadeystay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ficillo naafeynaya dowladnimada Soomaaliya.