Muuqaal: RW Khayre ”Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka arxan-darrada ah ee taliska MD Xasan Sheekh ku qaaday shacab si nabdoon ugu bannaanbaxay degmada Deyniile oo ay muwaadin Soomaaliyeed ku dileen, mid kalena ku dhaawaceen”

Skärmbild 2026-05-10 123148

10 May 2026 (Puntlandes.com) Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa hadda ka hadlay dadka lagu dilay degmada Deyniile, ee lagu dilay shacab Banaanbax dhigayay, wuxuuna sheegay in ay dowladda Soomaaliya xoog u adeegsatay si ay u caburiso shacab & madax banaanbax nabdeed dhigayay.

RW Khayre ”Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka arxan-darrada ah ee taliska Madaxweyne Xasan Sheekh maanta ku qaaday shacab si nabdoon ugu bannaanbaxay degmada Deyniile oo ay muwaadin Soomaaliyeed ku dileen, mid kalena ku dhaawaceen”

Musharax Kheyre ayaa sheegay in dad rayid ah oo xabad lagu furaa ay leedahay isla xisaabtan adag, dibna looga tashanayo iska difaaca gummaadka dowladdu ku hayso shacabka Deyniile.

About The Author