Madaxweynaha Kenya: wuu dhammaaday muddo xileedka Madaxtooyada & Baarlamanka JF Soomaaliya
14 May 2026 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Kenya William Samoei Ruto ayaa sheegey in uu dhammaaday muddo-xileedka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo la hadlaya Telefishinka Faransiiska ayuu u sheegey in dalalka Jabbuuti, Itoobiya & Kenya ay ku guul-darraysteen in ay xalliyaan khilaafka siyaasiyiinta Soomaalida, isaga oo walaac ka muujiyey marxaladda dalka ayuu si cad u xusey in uu idlaaday muddo xileedka Madaxtooyada & Baarlamanka JFS.
Madaxweyne Ruto ayaa wuxuu intaas ku daray in uu sii xirnaan doono xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, isagoo xusey dagaalkii ciidanka DFS & Jubaland ay taageero siiyeen ciidanka DFS oo dalkaasi galay.
Waa markii u horeysey oo dalalka Gobolka ay ka hadlayaan xaaladda siyaasadeed ee cakiran iyo hay´addaha dawladda Federaalka oo mudo xileedkoodu dhamaaday, iyadoo madaxda Soomaalida ay iminka wadahadal u wadaan Beesha-caalamku.