Muuqaal: Garaad Jaamac Garaad Cali “Shirarkii Mucaaradka iyo Dowladda Fashil ayey kusoo dhamaadeen, sii eegan mayno ee gacanta ayaan ka qabanaynaa”
14 May 2026 (Puntlandes.com) Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sheegay in madaxda Dhaqanka ee Muqdisho ku sugan looga baahan yahay inay dalka badbaadiyaan.
“Shirarkii madaxda natiijo la’aan ayey noqdeen, dowladnimadu waa heshiis bulsho, heshiiskii khatar ayuu ku jiraa… Tolka Hawiye wey ka seexdeen xal u helista xiisadda dalka, annagu waxaanu ku xushmaynay iyaga maadaama gurigooda la joogo inkastay tahay caasimaddii dalka, balse eegan mayno xaaladda gacantaanu ku qabanaynaa.” Garaad Jaamac Garaad Cali