Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday “3dii Maalmood ee lasoo dhaafay, DFS waxay wadahdalo layeelatay qaar kamida Xubnaha Mucaaradka kuwaasoo miiiska keenay aragtiyo kahorimaanaya xuquuqda aasaasiga ee Muwaadinka uu u leeyahay in uu wax doorto lana doorto”
15 May 2026 (Puntlandes.com) Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday maanta Xasan Sheekh oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay inuusan aqbalayn wax aan tiisa ahayn, muddu xileedkiisuna uusan dhamaan.
“Sadexdii Maalmood ee lasoo dhaafay, Dawladdu waxa ay wadahdallo la yeelatay qaar ka mid ah Xubnaha Mucaaradka ah kuwaas oo miiiska keenay aragtiyo ka hor imaanaya xuquuqda aas-aasiga ah ee Muwaadinka uu u leeyahay in uu wax doorto lana doorto”
“Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay la wadaagaysaa Shacabka Soomaaliyeed in dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho qof iyo cod ah, xor iyo xalaal ah, hufan, isla markaana waafaqsan Dastuurka, shuruucda dalka iyo Barnaamijka Siyaasadeed ee Dowladdu balanqaaday”Villa Somalia oo isticmaashay magaca Wasaaradda Warfaafinta.
