Wadahadaladii DFS & Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo burburay kadib markii Xasan Sheekh diiday heshiis
15 May 2026 (Puntlandes.com) Wada hadaladii ay lahaayeen DFS iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa burburay iyagoo ku kala tagay, kadib markii Xasan Sheekh ku adkaystay in muddo xileedkiisu dhamaanayo 2027ka.
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dib ugu laabanaya Puntland. Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalad siyaasadeed oo cakiran iyo hubanti la’aan sii xoogeysanaysa.
Mucaaradka Muqdisho oo dib u dhigey banaanbaxyadooda ayaa geleya shirar, iyagoo abaabulaya kacdoonno ka dhan ah Villa-Somalia.