Golaha oo fashilka shirka kusababeeyey kadib markii uu Xasan Sheekh diiday in lagalo heshiis siyaasadeed oo ku dhisan hannaan kala guur oo loo dhan yahay, is-afgarad qaran, iyo masuuliyad wadaag …….
15 May 2026 (Puntlandes.com) Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in uu fashilmay wada hadalkii ay kula jireen dowladda Faderaalka.
Golaha ayaa fashilka shirka ku sababeeyey kadib markii uu madaxweyne hore Xasan Sheekh diiday in la galo heshiis siyaasadeed oo ku dhisan hannaan kala guur oo loo dhan yahay, is-afgarad qaran, iyo masuuliyad wadaag si looga gudbo firaaqa dastuuriga ah ee ka dhashay dhammaadka muddo xileedka Madaxweynaha oo ku ekaa Maantay 15-ka May 2026.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed: “Wada-hadalladii waxa fashiliyey Madaxweyne hore Xasan, waa in xukuumaddi ku ekaato fulin xakamaysan… waxaana qabanaynaa gogol wada-badal.”

