Muuqaal: MD Deni oo kahadlay shirkii Xalane ay la lahaayeen MD Xasan Sheekh & marxalada degenaansho laáanta ee uu dalku galay
15 May 2026 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Puntland Saciid Cabulaahi Deni ayaa ka hadlay shirkii Xalane ay la lahaayeen madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Xasan Sheekh kaas oo fashir ku soo dhamaaday iyo marxalada degenaansho laáanta ee uu dalku galay.
Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyey in maanta Safiiradii 2da ahaa ee Reer galbeedka ahaa ee kudhexjiray 2da dhinac ee siyaasiinta Soomaalida ay fadhiga ka baxeen, markii Madaxweyne Xassan Sheikh jid laga waayay oo ay fahmi waayeen.
Deni ayaa sheegay in 3 maalmood ee lasoo dhaafay lays kugu laab-laabanayay ay ahayd dhimrinta Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed oo aad u baadigoobay in heshiis la gaaro, laakiin wax kasta oo uu diiday Xassan Sheikh.
Madaxweyne Deni”Xasan waa jid & jiha diid, annagu u caal weyney, ajaaniibtii u caalweydey oo tolkii u caalwaaye… xataa mar baan dhuumasho ugu imi oo u caal-waayey, haddaba isagaa kala direy Soomaali.”