Muuqaal: MD Xasan Sheekh oo ugu goodiyey mucaaradkiisa inuu haysto ciidan xoogan, weerar afka ahna kuqaaday Somaliland
27 May 2026 (Puntlandes.com) Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaday Xasan Sheekh oo ka hadlayay Masaajid Muqdisho ku yaala ayaa si ba’an u weeraray mucaaradka kuhaysta talada dalka, sheegayana in waqtigiisii dhamaaday ee ay tahay in Doorasho laga heshiiyo.
Xasan Sheekh ayaa ku hanjabay in dowladdu haysato ciidan xoogan, dalkuna horey u socdo wuxuuna ku celiyey in aan cidna loo joojineyn oo shalay loo laabaneyn.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Somaliland weerar afka ah ku qaaday, isagoo ku sifeeyey nasiib darro iyo wax aan la aqbaleynin oo laga dagaalamayo talaabada Safaarada Qudus looga furay.
Marka la eego hadalka iyo dhafoorka madaxweynaha waxaa ka muuqda dihaalka mudo dhaafka, caro xad dhaaf iyo ku tookhida xukunka oo awood isku haleyn kujirtay, isagoo si cad u beer laxawsaday ciidamada xoogga oo uu kusifeeyey in awoodooda xukunka ku joogo.