Muuqaal: Ciidamo katirsan SNA kuna sugan Eritrea oo ay tababar kuqaateen oo dalbaday in dalkooda dib loogu celiyo
27 May 2026 (Puntlandes.com) Ciidamo katirsan Ciidan Xoogga dalka Soomaaliya, tababarna ku qaatay dalka Eritrea ayaa waxay dalbadeen in dalkooda dib loogu celiyo.
Sakiishaan dalbatyay in dalkoodii dib loogu celiyo ayaa muddo 8 sano ah ku sugnaa dalka Eriteria, iyagoo tababarka dhamaystay mudo 2 sano ku dhow ka hor, dowladoodii tababarka u dirteyna ka dhuumatey.
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Xasan Sheekh marna kuma hawlanayn dhisidda Ciidan Somaliyeed, isagoo waqti iyo dhaqaale xoogan geliyey isagoo adeegsanayo kooxo dullaaliin iyo danley ah inuu Dalka intii nabadda aheyd ka abaabuley maleeshiyaad iyo dhalinyaro la khaldey oo lagu yiri waxaad tihiim Ciidan Qaran kuwaas oo aysan jirin meel lagu diiwaangaliyey, lagu tababarey oo aan meela uga jirin hanaanka Ciidanka, balse ujeedku yahey in deegaankooda iyo Dalka inta nabadda ah lagu burburiyo, ka dibna marka lagu dangaaro la inkiro.