Wasiirka Maaliyadda WB “DFS waxay kujirtaa xaalad kalaguura Doorkii dhaqaale ee aan ka heli jirnayna wuu ka baxay hada meesha…waxaan Jaaliyadda Waqooyi Bari ka rabnaa inay kaalintaa noo buuxiyaan. Waxaanu ka Codsanaynaa qaaraankii Jaaliyadaha inay soo celiyaan”
27 May 2026 (Puntlandes.com) Wasiirka Maaliyadda maamulka WB Cabdulqani Hiirad oo la hadlay Jaaliyadda Waqooyi Bari ee gobolka Minnesota dalka Maraykanka ayaa ugu baaqay Qurba-joogta inay maalgelin ku sameeyaan deegaannadooda isla markaana dawladooda taageeraan.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay u baahan tahay taageerada Jaaliyadaha, isagoo yiri “Dawladda Federaalka waxay ku jirtaa xaalad kala-guur ah Doorkii dhaqaale ee aan ka heli jirnayna wuu ka baxay hada meesha, sidaas darteed, waxaan Jaaliyadda Waqooyi Bari ka rabnaa inay kaalintaa noo buuxiyaan. Waxaanu ka Codsanaynaa qaaraankii Jaaliyadaha inay soo celiyaan oo Dawladu ku tiirsaneyd”
Cabdulqani Hiirad ayaa sidoo kale xusay in dowladdu si weyn ugu tiirsaneyd qaaraanka iyo taageerada Qurba-joogta, isaga oo yiri “Waxaanu ka codsanaynaa qaadhaankii Jaaliyadaha inay soo celiyaan oo Dawladdu ku tiirsaneyd.”