Sawirro: Kulan ay yeesheen Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Cayr oo Galmudug quseeyaa aksoo baxeen

1a1a6-12

29 May 2026 (Puntlandes.com) Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Cayr ayaa lagu isku raacay in laga fogaado wax kasta oo horseedi kara gacan-ka-hadal, xiisad siyaasadeed ama khal khal amni oo saamayn taban ku yeesha nabadda, xasilloonida iyo wadajirka Galmudug.

Waxa kale oo ay beeshu adkaysay in khilaafka la xiriira doorashada Galmudug lagu xalliyo wadahadal, is-afgarad siyaasadeed iyo hannaan nabadeed oo ay si buuxda uga qayb qaataan dhammaan saamileyda Galmudug.

1-In Dhuusamareeb uusan wax dagaal ah kadhicin, lagana hortago xaalad walba oo dagaal dhalin karta.

2-In doorashada Galmudug ay noqoto mid dhexda taalla, loona siman yahay tartankeeda

Beesha Cayr ayaan warmurtiyeedka ku soo qaadin doorshada Xasan Sheekh ee qof iyo cod, iyagoo sdheegay in doorashada ka dhacaysa Galmudug ay noqoto mid heshiisd lagu yahay, daah furan oo xasilooni ku dhacda.

About The Author