Muuqaal-Sawirro: Puntland 25,221 arday oo u fariisatay Imtixaanka mideysan ee Shahaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 2025-2026
30 May 2026 (Puntlandes.com) Puntland ayaa waxaa u fariisatay Imtixaanka mideysan ee Shahaadiga ah, Fasalada u dambeeya Dugsiyada Dhexe “8aad” & Sare “4aad” arday tiradoodu tahay 25,221 ee sannad dugsiyeedka 2025-2026.
Imtixaanka ayaa waxaa u fariistay 16,068 arday Fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe, 9,153 arday Fasalka 12aad ee Dugsiga Sare, iyadoo wadarta guud ay tahay 25,221 arday
Imtixaankaan oo lagu galayo goobo ka badan 160 xarumood, waana miraha ay Puntland ka dhaxashay isku tashiga iyo Soomaaliya Faderaal ah, nidaamkuna yahay kor u dhis hoos ka dhis, waa geedi socod 23kii sanno ee lasoo dhaafay ay wasaaradda Waxbarashada Puntland ku qaadaysa Imtixaan mideysan, haddana aruursan oo aan suuq lagu kala iibsanayn.
Dhanaca kale Kusimaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cisman Lugatoor ioo si rasmi ah u furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland ee sannad dugsiyeedka 2025-2026 ayaa ka hadlay xaaladda xakiran ee ka taagan dawlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galbeed oo uu wado maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday ee Xasan Sheekh.
Madaxweyne kuxigeenka Puntland “Nabad & xasilooni baan ku jirnaa, Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Xamar-na waxaa ka socda qas & foodo.”








