Xildhibaano hore oo Beesha Caalamka ka codsaday cunaqabatayn iyo baaritaan caalami ah oo ka dhan ah saraakiil amni

1a1a4

30 May 2026 (Puntlandes.com) Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee muddadiisu dhammaatay ayaa maanta warqad u diray wakiillada caalamiga ah iyo safaaradaha shisheeye, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah loola xisaabtamo saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Mumin.

Kadib eedeymaha ay u jeediyeen Taliyaha Booliska Muqdisho iyo saraakiisha hoos yimaada, waxay codsadeen in laga qaado tallaabooyin dhowr ah.

Waxay dalbadeen in Mahdi Cumar Mumin iyo dadka la shaqeeya lagu soo rogo cunaqabatayn caalami ah, la xayiro hantidooda iyo xisaabaadkooda bangiyada gudaha iyo dibadda, laga mamnuuco safarka, isla markaana la bilaabo baaritaan caalami ah oo horseedi kara in loo maxkamadeeyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada, sida ku xusan qoraalka hoose.

Screenshot
Screenshot
Screenshot

About The Author