Muuqaal: Dugsiga Sare ee Cumar Samatar oo si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Dowladda Puntland ee gobolka Mudug, imisa arday?

1a1b6

Dugsiga Sare ee Cumar Samatar ayaa gudoomiya gobolka iyo madax kae si rasmi ah uga daahfureen imtixaanka shahaadiga ah ee Dowladda Puntland ee gobolka Mudug.

Guud ahaan Puntland oo ardayda imtixaanka Shahaadiga ah u fariisatay maanta ay ahaayeen 25,221 arday, iyadoo gobolka Mudug uu noqday gobolka ugu tirada badan ee ardaydu u fariisatay imtixaanka sanadkan, iyadoo tiradoodu gaartay 7,317 arday, taas oo ka dhigaysa kaalinta koowaad ee guud ahaan gobollada Puntland.

Dugsiga Sare ee Cumar Samatar ayaa waxaa imtixaanka u fariistay ku dhawaad 900 arday.

About The Author