Sheekh Shariif oo xalay saqdii dhexe u guuray aqal ku yaala Isgoyska Mirinaayo ee Degmadda Cabdicasiis, Banaanbaxa 4ta bishan Juun
02 june 2026 (Puntlandes.com)Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay saqdii dhexe u guuray aqal ku yaala Isgoyska Mirinaayo ee Degmadda Cabdicasiis, halkaas oo la sheegay in uu ka abaabuli doono Banaanbaxa 4ta bishan Juun.
Madaxweyne Shariif Sheekh oo xalay si adag weerar afka ah ugu qaaday Madaxweynaha ay mudadii 4-ta sano ee lagu dhaariyey ay ka dhamaatay ayaa sheegay in banaanbaxa uusan baaqan doonin, isagoo shacabka ugu baaqay in ay iskugu soo baxaan meelaha ay u cayimi doonaan Mucaaradku.
Dowladda Soomaaliya waxaa shalay digniino adag siiyey Beesha Caalamka oo Mareykanku uu ugu tun weyn yahay, waxaana loogu baaqay in ay qabato doorasho heshiis lagu yahay si dalku uusan u guda gelin Amni daro iyo Xasilooni la’aan Siyaasadeed.
Halka uu dagay Sheekh Shariif waa Guriga Madaxweynihii hore Cali Mahdi, iyadoo laga daah furi doono xarunta Cusub ee Xisbiga Himilo Qaran.