Sheekh Shariif oo dib ugu laabanaya gurigiisa kuyaalay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

1a1b1-5

05 june 2026 (Puntlandes.com) Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheikh Axmed ayaa dib ugu laabanaya gurigiisa kuyaalay agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, ka dib maalmo uu joogay Waqooyiga Caasimada gaar ahaan xaafadda Marinaayo halkaas oo ay iska horimaadyo ka dhaceen.

Dadaalo ay garwadeen ka noqdaan odayaal dhaqan, qaar kamid ah safaaradaha Reer Galbeedka ilaa Siyaasiin ka tirsan dowladda Federaalka ayaa lagu guuleystay in Sheekh Shariif lagu qanciyo ku laabashada aagii horey u daganaa.

Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday ee Xasan Sheekh ayaa ku adkeysatay inay qasab tahay in madaxda Sheekh Shariif iyo Khayre ay dib ugu laabtaan xayndaabka Xalane, kana baxaan goobihii ay iska horimaadyadu ka dhaceen.

About The Author