Xubnaha Nabad & Nolol ku matalaya wadahadallada doorashooyinka Soomaaliya

1a1a1

07 July 2026 (Puntlandes.com) Xubnaha Nabad iyo Nolol ku matalaya wadahadallada doorashooyinka ee uu magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta gudiga Turkiga kula kulmay xarunta loo asteeyey kulanka maalinta 1aad oo ay garwadeen ka yahay dowladda Turkiga.

Xubnahan oo isugu jira Wasiirro iyo masuuliyiin hore oo saameyn ku lahaa Dowladdii Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirkii Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq oo door weyn ka soo qaatay hannaankii doorashooyinka iyo amniga qaranka.

Puntland & Jubaland ayaan iyagu maanta ka qaybgelin wadahadallada Dowladda iyo Mucaaradka, iyagoo ka biyodiidsan dhexdhexaadinta Turkiga.

Khamiista ayey mar kale is horfadhiisanayaan DFS & Mucaaradka oo ay ku jiraan Puntland iyo Jubaland, iyada oo kulankaasi ay gadhwadeen ka yihiin wakiillada Galbeedka.

Dhinacyada ayaa ka doodaya sida ugu dhakhsaha badan ee dalka looga qaban karo doorasho-guud, iyada oo dhinac kasta miidka keeney doorasho toos ah balse kala duwan.

About The Author