Muuqaal-Sawirro: Mas’uuliyiinta Puntland & waxgaradka Gobolka Nugaal oo xal ka gaaray fargolintyii maamulka Xasan Sheekh

1a1a1-8

08 July 2026 (Puntlandes.com) Guddiga gaarka ah ee mas’uuliyiinta Puntland & waxgaradka Gobolka Nugaal ayaa gaaray heshiis kama dambeys ah oo ku saabsan ciidamada Danab ee ku sugan duleedka Garowe, kadib muran siyaasadeed iyo mid amni oo maalmihii u dambeeyay ka taagnaa gobolka Nugaal.

Guddigan la magacaabay kaddib kulan dhexmaray Madaxweynaha Puntland, isimmo, siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah, iyadoo ujeeddada guddigu ahayd in xal laga gaaro khilaafka la xiriira halka ay ciidamada Danab hoos tagayaan iyo cidda hoggaaminaysa.

Sida ay xoguhu tilmaamayaan, guddigu wuxuu caddeeyay in ciidamada Danab aysan hoos tagin Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse loo aqoonsanayo qayb ka mid ah ciidamada amniga Puntland. Taas ayaa ka dhigan in ciidanku raaci doonaan awaamiirta maamulka Puntland, isla markaana ka qayb qaadan doonaan sugidda amniga iyo kala dambeynta deegaanadiisa.

Arrinta ku saabsan magacaabista taliyaha ciidamada ayaa la sheegay in lagu xallin doono hannaan ay hoggaaminayso Dowladda Puntland. Guddigu wuxuu sidoo kale ku adkeystay in magacaabis kasta oo ka timaadda meel ka baxsan maamulka Puntland aan la aqbali doonin, iyadoo wada-hadallo dheeraad ah lala yeelan doono dowladda, guddiga iyo hoggaanka ciidanka.

Siyaasiinta, waxgaradka & haldoorka gobalka Nugaal ayaa diyaar u ah midnimada, dowladnimada iyo kala dambeynta Puntland in la ilaaliyo, meelna looga soo wada jeesto isku day kasta oo faragalin ah oo asalkiisu yahay in lagu burburiyo amniga iyo jiritaanka deegaanada Puntland.

Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole oo xalay saqdii dhexe ka hadlayay madasha shirkan oo xili dambe gaaray ayaa sheegay in ay guul kama dambeys ah ka gaareen dhacdadan, kana hortageen isku day kasta oo lagu doonayay in lagu burburiyo Midnimada, jiritaanka iyo kala dambeynta Puntland.

About The Author