Muuqaal: Baarlamaanka Puntland oo Ansixinta Wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Dawladaha Hoose ee Puntland

1a1a7-12

08 July 2026 (Puntlandes.com) Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyey Wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Dawladaha Hoose ee Puntland.

Dood iyo falanqeyn dheer kadib xildhibannada Golaha Wakiillada ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey wax-ka-baddelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Dawladaha Hoose ee Dawladda Puntland oo muhiimad gaar ah u leh maamul daadejinta, adkaynta hufnaanta maamulka dawladda hoose, xoojinta wada shaqeynta, awoodaha Goleyaasha deegaanka adeeg bixinta, horumarinta degmooyinka, iyo tayeynta guud ee hannaanka maamulka gobollada iyo degmooyinka Puntland. Guntanka fadhiga oo ahaa (38) Mudane, waxaa ugu codeeyey oggol (32) Mudane, diidmo (5) Mudane, halka ay ka aamuseen (1) Mudane.

About The Author