Mareykanka oo kadigay in falalka loogu xadgudbayo calankiisa ee kadhacay Muqdisho ay waxyeello ugeysan karaan xiriirka kala dhexeeya Somalia
12 July 2026 (Puntlandes.com) Dawladda Maraykanka ayaa cambaaraysay falka Askar sita dirayska ciidanka Soomaaliya ay ku istaageen calankooda.
Mareykanka ayaa ka digay in falalka loogu xadgudbayo calankiisa ee ka dhacay Muqdisho ay waxyeello u geysan karaan xidhiidhka kala dhexeeya Soomaalida, waxayse bogaadisay in DFS ay tallaabo dhakhso ah ka qaaday dadkii ku istaagay calankiooda.
Safaaradda waxa ay sheegtay in Maraykanku ballaayiin dollar oo ah cashuurta shacabka Maraykanka ay ku taageeraan Soomaaliya sannadkasta.
