Sawirro: Puntland oo hirgelinnaysa Siyaasadda Isku-tashiga & Kharash-daboolidda Caafimaadka
13 July 2026 (Puntlandes.com) Wasaaradda Caafimaadka, iyadoo kaashanaysa bahwadaagta caafimaadka waxay si rasmi ah maanta u shaacinaysaa hirgelinta Siyaasadda Kharash-Daboolidda Caafimaadka (Cost-Recovery Policy) ee joogteynta adeega caafimaadka dadweynaha.
Nidaamkan wuxuu yimid ka dib markii la arkay baahida loo qabo in laga guuro ku-tiirsanaanta mashaariicda dibadda oo noqday kuwo aan la saadlin karin oo ku meel gaar ah, isla markaasna xarumo badan xirmeen ka dib markii mashaariicdi taageeraysay dhamaatay, ayaa wasaarada Caafimaadku sameeysay xog ururin iyo qiimeyn xaalada Caafimaadka dalka, ka dibna waxay go’aansatay in la dhiso nidaam caafimaad oo is-bixin kara, tayo leh, isla markaana joogto ah lagana hirgelinayo isbitaalada heer degmo iyo gobol, iyadoo xarumaha caafimaadka ee kale dhamaantood adeegu yahay mid aan wax lacag ah bulshada lga qaadeyn oo bilaasha ah.
Siyaasadan waxay ku timi wada tashi lala sameeyey xirfadlayaasha caafimaadka, qeybaha bulshada iyo maamuladooda, khuburada iyo hayadaha bahwadaagta la ah Wasaarada Caafimaadka, qareemada sharciga iyo indheergaradka bulshadaba. Waxaana sidoo kale dib u eegid ku sameeyey siyaasadan ka dibna ansixiyey golaha xukuumada.
Qodobada ugu Muhiimsan ee Siyaasaddan:
1. Isku-tashi Maaliyadeed:Muwaadiniinta awoodda dhaqaale leh ayaa bixin doona kharash yar oo lagu daboolayo dawooyinka muhiimka ah, dhiirigelinta shaqaalaha, dayactirka qalabka, iyo korontada si isbitaalku u shaqeeyo 24/7.
2. Ilaalinta Danyarta waa geed ka go’an (100% bilaash ah): Wasaaradda Caafimaadku waxaa halbeeg u ah “Inaan Qofna laga tegin,” nidaamkani maaha mid ganacsi oo faa’iido doon ah. Dadka danyarta ah, barakacayaasha (IDPs), xaaladaha gurmadka degdegga ah, iyo daryeelka hooyada iyo dhallaanka waxaa adeegga lagu helayaa si lacag la’aan ah.
3. Hufnaan iyo Maamul-Wanaag: Dakhli kasta oo soo xarooda iyo kharash kasta oo baxaya waxaa si wadajir ah u maamulaya guddi ka kooban xubno bulshada ka socda iyo maamulka cisbitaal kasta. Wasaarada Caafimaadka ayaa korjoogteyn iyo kormeerba ku lahaan doonta doonta si loo ilaaliyo hufnaanta maareynta maaliyadeed.
4. Wasaaradda Caafimaadku waxay hada si bilow ah ugu hirgelinaysaa nidaamka kharash daboolida Caafimaadka isbitaalada degmo ee kala ah Caluula, Baargaal, Ufeyn, Balidhidin iyo Iskushuban, Laakiin waxaa gaarsiin doona dhamaan Isbitaalada heer degmo iyo gobolba bilowga sanadka 2027.
Wasaaradu waxay si mug leh ugu mahadcelinaysaa Dowladaha Sweden iyo Switzerland oo muddo 11 sanno taageerayey caafimaafka Gobolada Bari iyo Raas-Casayr, Sidoo waxay Wasaaraddu u mahadcelinaysaa Haayada Save the Children oo dhaqaale iyo farsamoba ku bixisay sameynta siyaasada iyo hirgelinta nidaamka kharash daboolida( Cost Recovery system) taas oo qeyb ka ah mashruuca horumarinta caafimaadka ee CHASP III ee Bari iyo Raas-Casayr ka socda.
Wasaaraddu waxay ka codsanaysaa qaybaha warbaahinta iyo hoggaanka bulshada inay nagala qaybqaataan wacyigelinta nidaamkan, si aan u xaqiijinno caafimaad waara oo madax-bannaan.










