Jubaland oo ku eedeysay dowladda Federaalka in markii ay ku jabtay Raskambooni ay ku duushay Puntland
28 July 2026 (Puntlandes.com) Jubbaland ayaa ku eedeysay dowladda Federaalka in markii ay ku jabtay Raskambooni ay isku qaaday Puntland, waxayna sheegtay in shacabka iyo Dowladda PL muujinayaan isku duubnidooda kahortagida damaca Villa Somalia, sidaas waxaa sheegay Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.
“Dowladda Federaalku, markii ay ku fashilantay duullaannadii ay ku qaadday Jubbaland, isla markaana shacabka reer Jubbaland ay si adag isaga difaaceen, ayey hadda damaceedii iyo cadaadiskii siyaasadeed u weecisay Puntland.
Xaqiiqadu waxa ay tahay in shacabka iyo Dowladda Puntland ay sida oo kale si adag uga hortagi doonaan damac kasta oo wax u dhimaya nabadda, xasilloonida iyo dowladnimadooda. Xasan Sheekh waa inuu fahmaa in siyaasadda aysan ku dhisnayn awood iyo cadaadis oo keliya, balse ay leedahay xisaab iyo cawaaqib. Tallaabo kasta oo qardajeex ah oo la qaado waxay dhalin kartaa xisaab siyaasadeed oo mustaqbalka la isugu yimaado.” — Wasiirka Warfaafinta JL, Cabdifitaax Mukhtaar.