Wafdi ka socda Mareykanka oo booqasho ku tagaya Jubaland, Puntland & Somaliland
28 July 2026 (Puntlandes.com) Wafdi ka socda dalka Mareykanka, oo ka kooban 12 xubnood oo isugu jira xubno ka tirsan Aqalka Koongareeska iyo saraakiil ciidan oo ka socda Taliska Afrika ee Mareykanka (AFRICOM), ayaa lagu wadaa inay berri booqasho ku tagaan maamullada Jubaland, Puntland iyo Somaliland.
Safarka wafdiga ayaa ka bilaaban doona magaalada Kismayo, waxaana la filayaa inay intaas kaddib u sii gudbaan magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa. Booqashadan ayaa la xiriirta xog-ururin ku saabsan xaaladda amniga ee Soomaaliya, faahfaahinta siyaasadda cusub ee Washington, iyo wadatashiyo lala yeelanayo madaxda maamullada.
Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Kampala uu ka furmayo shir looga hadlayo hawlgalka AUSSOM. Shirkaas, oo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaa hoggaamin doona Mareykanka iyo Midowga Afrika, iyadoo ay ka qaybgeli doonaan madax, wasiirro gaashaandhig iyo taliyayaal ciidan oo ka kala socda dalalka ciidamada ku taageera Soomaaliya.
Ujeeddada shirka ayaa lagu sheegay in lagu yeesho wada-hadallo heer sare ah oo lagu qiimeynayo mustaqbalka hawlgalka AUSSOM, iyadoo ay jiraan su’aalo ku saabsan jihada uu hawlgalku qaadan doono iyo caqabadaha amni ee ka jira Soomaaliya.