Siyaasi Nuuradiin Aden Diiriye: Ma jiri karo ciidan hareer marsan nidaamka dawliga ah ee Puntland
29 July 2026 (Puntlandes.com) Siyaasi Nuuradiin Aden Diiriye, oo kamid ah Siyaasiinta Puntland ee kasoo jeeda Gobalka Mudug, oo ka hadlayay xiisada Gaalkacyo iyo cida xaqa u leh inay Puntland ciidan hubeysan ku dhex yeelato, ayaa wuxuu caddeeyey in sarraynta sharcigu ay lama taabtaan tahay.
Siyaasi Nuuradiin ayaa ku siidaray in dhammaan ciidamada Puntland ku sugan ay tahay in ay ka amar-qaatan hoggaanka dastuuriga ah ee Puntland ee loo doortay, iyadoo aysan jiri karin ciidan hareer marsan nidaamka dawliga ah ee Puntland lamana aqbali Karo kooxo hubeysan oo u shaqeynaya Madaxweynaha mudo dhaafka ee DFS in ay gobalka ku sugnaadan.
Nuuradiin ayaa ugu baaqay siyaasiinta horey u soo maamulay Soomaaliya ee Puntland kasoo jeeda oo qaarkood shalay ka hadlay dhacdadan in dhowraan kala dambeynta Hay’addaha dowliga ah oo ay ixtiraamaa, aysana garab siin kooxo hubeysan oo sharci-darro ku shaqeeya iyagoo ku gambanaya magaca nabad-dhisidda.
