Puntland oo sheegtay in ay ka shaqeynayso sugida nabadda & xaqiijinta amniga ee deegaanadeeda oo dhan
29 July 2026 (Puntlandes.com) Puntland ayaa sheegtay in ay ka shaqeynayso sugida nabadda & xaqiijinta amniga ee deegaanadeeda oo dhan, ay qasab tahay taas oo aan cidna lagala tashaneyn, aysana aqbaleyn faragalin ka timaada nidaam waqtigisii dhamaaday oo ah dowladda Faderaalka, sida uu sheegay wasiir kuxigeenka Warfaafinta dawladda Puntland Bile Qabowsade.
