Xildhibaannadii Laascaanood ka tagay oo ugu danbeyn shaaciyey in ay ku biireen Somaliland
29 July 2026 (Puntlandes.com) Xildhibaannadii maamulka WB ka tagay ayaa shaaciyey in ay ku biireen Somaliland, iyagoo maalinta berri socdaal ku tegeya magaalada Hargeysa ka dib muddo ay joogeen DDS.
Xildhibaanada oo markii hore 5 ahaa ayey 4 Hargeysa u jihaysteen halka uu ka haray Xil. Cabdisalaam Camo camo oo isagu sheegey in uu ka tagey dowladda uu higgaamiyo Firdhiye balse aanu ka tegin dadkiisa & deegaankiisa.
