SAWIRRO: DOWLADDA PUNTLAND & DOWLADDA MARAYKANKA OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS ISKAASHI OO LABADA DHINAC AH

1a1a4

02 Aug 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan xubno Wasiiro, Saraakiil Ciidan iyo La-taliyaal ah ayaa Magaalada Bosaso shir kula yeeshay Wefti ka socday Dowladda Mareykanka, gaar ahaan hawlgalka AFRICOM oo uu hogaaminayey Taliyaha hawlgalka gaarka ah ee AFRICOM Major Gen Claude Tudor.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Dowladda Puntland iyo Dowladda Mareykanka, gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada iyo sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Heshiiskaan oo ah kii koowaad oo noociisa ah ayey Puntland ku heli doontaa tababaro, dhisme iyo qalabeyn milateri & waliba agabyo muhiim u ah sugida amniga Puntland, si looga hortago argagixiso & isku day kasta oo nabadgalyo darro keeni kara.

Dowladda Puntland iyo Mareykanka ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis lagu ballaarinayo iskaashiga labada dhinac. Heshiiska ayaa Dowladda Mareykanka u ogolaanaya in ay ballaariso saldhiggeeda Magaalada Bosaaso si sare loogu qaado hawlgalada ka dhanka ah Argagixisada iyo suggidda amniga Badaha.

Dowladda Puntland waxaa ka go’an la dagaalanka Argagixisada iyo cadow kasta ee wax u dhimi kara amniga, xasiloonida iyo horumarka Puntland, kan Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Africa.

About The Author